Laascaano saakay waxay kuwaa bariisatay rasaas kaga imaneyse jabhada snm, 6-feb waxaa loo balansanaa in lasoo gaba gabeeyo shirkii kasocdey magaalada laascaano lasoo bandhigana qodobadii lagu heshiiye .
Wararka ka imaanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in weli halkaa laga maqlayo rasaas xoog leh oo isugu jirta kuwa yaryar iyo kuwa qoryaha lidka diyaaradaha, taasoo bilaabatay saaka 6-dii subaxnimo.
Rasaasta ayaa la aaminsan yahay inay u dhaxayso ciidanka milateriga ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidan kuwa deegaanka ah. Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dhinaca kale Somaliland ayaa war saxaafaadeed ay soo saartay ku sheegtay in kooxo hubaysan oo ay soo abaabuleen wax ay ugu yeereen "garaadada nabadiidka ah ay ciidankooda weerar ku soo qaadeen".
Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) oo ah afhayeenka guddi ka kooban 33 oday dhaqameed oo reer Laascaanood ah ayaa kismaayo24 u sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen si loo carqaladeeyo shirkii ay maanta kusoo gabagabeynayeen halkaas.
Dhimashada 2da dhinac waxay kor udhaafeysaa 50 ruux dhaawacana tira malaha walow khasaaraha uu ku badan yahay dhinaca somaliland waxaa laga gubay gawaari aad ufara badan
Meedkoodi ayaa laamiyada waran saldhigii ay kulahaayen buurta sayidka waa lagala wareegay .
Gurmad miyeey heli doonaan Reer Sool?
Madaxdii hore DFS ayaa tacsi udiray walalaha reer laascaano wax yeelada kugaarte dagaalka lagula jiro argagixisada SNM
Xasan ali kheyre muxuu ka yiri
"Bismilaah, Waxaan aad uga xumahay colaadda iyo dagaalka maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah. Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan ehelada iyo qaraabada dadka shacabka ah ee geeriyooday, waxaanna Allah uga baryayaa in uu Jannaddii ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu u boogo-dhayo.
Waxaan ugu baaqayaa Maamulka Somaliland, madaxda, Isimadda iyo duubabka dhaqanka, aqoon'yahanka iyo siyaasiyiinta reer laasacaanood in dagaalka si deg-deg ah loo joojiyo, lana ilaaliyo rabitaanka iyo xuquuqda shacabka kunool Gobolka Sool.
Hey’adaha gargaarka waxaan ugu baaqayaa in ay u guntadaan sidii daaweyn, gurmad iyo samatabixin deg-deg ah loogu samayn lahaa dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaareen dagaalka.
Dowladda Federaalka ah waxaa masuuliyad dastuuri ahi ka saaran tahay ilaalinta midnimada Dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed."
Sheekh shariif sheekh axmed asna isagoo darenkiisa cabiraya wuxuu yiri
"Bismillahi, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabkii ku waayey ehelladooda iyo asxaabtooda dagaalkii ka qarxay saaka Magaalada Laascaanood, waxaan sidoo kale la qaybsanayaa murugada iyo dhibka dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii hantida uga burburtay dagaalkaas.
Walaalayaal Soomaaliya waxay ka soo daashay dagaal sokeeye maanta oo aan joogno 2023 waa ayaan darro inay jiraan dad u heellan inay daadiyaan dhiig qof Muslim Soomaali ah.
Waxaan ugu baaqayaa in si degdeg ah shuruud la'aan loo joojiyo xabadda ka socota Laascaanood, khilaafka jirana lagu xalliyo miiska wadahadalka, wax wadaxaajood lagu waayey qori caaradiis laguma gaari karo."
Ugu dambeyn wali laascaano waxaa kasocda dagaalki udhaxeeye Laascaano iyo Hargeysa rasaastu wali waala maqlaya waloow xabada dhacaya la aamin san yahay inee yihiin dabaal dag ay sameynayaan ciidamada deegaanka
Wixii soo cusboonaada kala soco kismayo24.com