WHY IS S/LAND NECESSARY IN SOOL, THE EFFECTS OF THE HORN OF AFRICA, THE WISHES OF THE LOCAL PEOPLE

 

30kii maalmood ee lasoo dhaafay wararka iyo dagaalada laxiriira xaalada gobolka sool gaar ahaan laas caanood ayaa heegada sare jookta , taasoo saameyn kuyeelatay habsami usocodka jadwalada shaqo iyo siyaasada. waxaa sidoo kale maalmaha soo wajahan ahaan donta waxa ugu badan ee culeeska kunoqon doona dhamaan daneeyayaasha iyo maadaxda somalida ee arimaha gobolka sool .


warbixinteena waxaan diirada kusaari doona ama ku faaleyn doona afar qodob oo kala ah .1; somaliland maxay qiima ahaan ugu fadhidaa gobolka sool, 2:muhiimada lasscaanod uleedahay isbadalada geeska afrika , 3:marunbaa sheegashada soomalilan ee ah in gobolka geeska africa ay kasugayaan amnigiisa magaalda laascaanod , 4- dadka deegaanku maxay ku qancin karaan 

1-laascaano muhiimad nooce uleedahay somaliland 

16 sano oo ku beegneed october-2007 , somaliland wey ku guuleysatey in meel mar ay kadhigto ajanda ciidan iyo mid siyaasadeed oo howlgalintiisa waday mudo 15sano kabadan yoolkuna ahaa in ay qabsato magaalada laascaanood , xiligaasi wixii kadambeye wey najaxday aragtida somaliland ee kuwajahan gobolkan , ilaa janaayo 2018ki ay qabsatay deeganadi ugu dambeeye ee isku hor fadhiyeen ciidanka puntland.
qiimaha ahaan gobolkaan wuxuu ugu dhigan yahay somaliland mid ugu muhiimsan gobolada dakhliga kasoo galo ama deegaanada bartamaha . sawabtoo ah waxa ay siyaasiyiinta iyo shacabka somaliland qaybo kale oo badan aamin sanyihiin in aragtida gooni ugoosadka ay najaxdo oo gobolkan furo unoqonayo , hadiise gobolkaan lawaayo dagaalkiisana bato ay kadhignaan doonto goononi ugoosadka rajo dhimatay .oo ay tahay xalkale oo looga guuro dhinaca kale somaliland ta kale ay noqoneyso hal beel iyo dariskeeda oo madal wada jooga .


  

2-saameynta geeska gobolka sool

dib uraaca taariikhda geeska africa ayaa laascaano xudun utahay , kooxdii mar maamushay gobolka geeska ee TPLF oo hayse talada ethiopia ayaa u arkeysay goob ay kasoo baxaan dad badan oo aragtideeda kasoo horjeeda , waxayna wax garadka deegaankaas usoo jeediyeen kahor 2007di in laxiro mid kamida goobaha waxbarashada ee magaalda oo ay maamulayeen culimada magaaldas taas oo laga aqbalay , sidoo kale warbino ay diiwaan galiyeen sirdoonkii tigreey waxay kusheegen laascaanod in ay udub dhaxaad u ahayd , xoogaaga jabhada xoreynta ogaden ee ONLF . iyadoo dadka deegaankas ahaayen somalida xorta ah aan marnaba isku dayin inee dhiibaan muwaadin kasta ama cid kasta oo kasoo horjeeda siyaasada Ethiopia , gaar ahaan dadka udhashay somali galbeed .

somaliland oo si daran ubacrimisay aragtida ah in ONLF iyo dad kasoo horjeeda ethiopia ee ku xoogan yihiin magaalada laascanood ,ayaa kadib dagaalkii koonfurta dalka kudhaxmaray ethiopia iyo midowgii maxaakiimta . tigrey waxay heshey hadiyad ahaan inee kucaawiyaan in qabsato magaalda laascanod , iyadoo xiligaas kadibna ay hargeysa xooga saartay inee kumaamusho magaaldan aragtida aan ilaa maanta daah furnaanta loo haynin oo ah dilal qorsheysan, iyo weeraro haldoorkii magaaladan galaaftay .


3- marunbaa sheegashada soomalilan ee ah in gobolka geeska africa ay kasugayaan amnigiisa magaalda laascaanod

2018kii inee xukunka dhaafeen kooxdii TPLF meelaha ugu badan naruurada kaheleen laascano ayaa kamid ahayd , lkn waxaa ubadashay aragti kale oo siyaasi ah oo ka imaaneyse ismaciil cumar geele iyo jabuuti, oo ahayd in goboladaan laga hayo in aysan noqon maamul gaar ah ama ku hamiyin , taaso ahayd falsafad ay katageen kooxihii gobolka dhaafay , balse ay sii hayneyse jabuuti.

decemper 2022kii dadkii deegaanka ayaa kacdoomay, kaas oo sababay dagaalkaan hada socda oo an kahadlayno  iyo marxalada isku badalay si aan  horey looga fiirsan , 2dii todobaad ugu horeyse kacdoonka laascaanood , sirdoonka somaliland iyo xubno wasiiro ah ayaa tagay ethiopia iyo jabuuti, si ay markale boorka ugu jafaan aragtidooda ah in laascaano ay saldhiganyaan kooxooyin argagixiso oo dhibaaato ku noqonaya amniga gobolka geeska .

taliyaha ciidanka somaliland nuux taani ismaciil ayaa shaley daaha karogay , jabuuti wey uriyaaqdey warinta hargeysa  waana soo dhaweysay , ila wareedyo lagu kalsoon yahayna waxa ay cadeynayaan in taageero buuxda oo sahay ciidan siisay somaliland, lkn eithiopia ayaa iska diiday damaca hargeysa meel marintiisa  , waxay kusifeysay warar aan la hubin iyo been abuur ay addis ababa horey uga soo gudubtay , hada laacdaan culus oo gobolka saameynaya ayaa ka furan laascaanod , waa xisaab aan wali xirmin oo gunaandakeeda aan cidna saadaal kabixin karin , waa dhafane ay qeyb kasoo noqdeen kooxo cusub oo geeska africa oo si weyn saameyn ugu yeelanaya gaar ahaan wadamada is hardinya .


4- dadka deegaanku maxay ku qancin karaan 

sida ay isimida gobolka sool, sanag iyo cayn iyo dadka deeganadaasi isugu duuban yihiin , waxay cadeeyeen inee ku qanci karaan aragtida iyo taladooda y umadax banaan yihiin, wali waxay dalbanayaan in deeganadooda kabaxaan ciidanka somaliland , waxay kadigayaan dagaalo halis badan oo horseedi doona gobolka oo ku ekaan doonin dhinacyada is xoqaya . 

somaliland inkasto ay isku dayde talaabo kasta oo fara galin ah in ay shirkii kasoo baxaan, xataa go'aamada cadeynaya in dadka deeganada ay noqdaan kuwa dib ugu laabta puntland, hadana aragtidaas ayaa meel mar iyo taagero heli weyde , taas oo somaliland u arkeyse, muhiimad wayn waxa ugu fadhiya , shirka isimida gobolka sool,sanaag, iyo cayn , waxaa laga soo saaray in si toos u hoos tagaan dowlada federaalka , taaso muujineysa baraaruga ay hada qabaan isimida dhaqan iyo bulshada deegaanadaas , waana xujo aysan dhinac kamari karin dowlada federalka ee somalia.

ugu dambeyn sual aan jawaabteeda lahynid , waa somaliland hadii ay dagaal uga baxdo sool ama kuguuleysato dagaalka , sidee noqonayaa xaalka gobolada sool ,sanaag, iyo cayn.

fikirkaaga waa inoo muhiim hoos inoogu reeb.

kismayo24

Post a Comment

Previous Post Next Post