On the eighth day, he entered the battle of Lazanod and it was the beginning of the second week

 




Somaliland wali waxa ay wadaa beegsiga rugaha caafimaadka ,guryaha rayidka iyomasaajidada iyo goobaha adeega dad weynaha. Dhinaca kale majiijin war saxaafadeed tira beel ah dhamaantood abuuraya hadalo iska hor imaanaya kuwaas oo hargaysa wali uhelin is waafajin . taas oo rogeysa in wali somaliland aysan haysan qeexin cad oo ay kusameyso cida ay ladagaalamayso

.

Madaxweyne muuse biixi cabdi waa xiligi ugu adkaa hogaamintiisa . waxaa duk hoganaya maalmo maareyntooda wax kasta kaga adkaan doonaan  taas waxaa laga dheehanayaa kulamadiisa badan xiriirada aan kala joogsiga lahayn iyo raadinta cid kasto oo ay colooben xilliga naruurada . dharaaro baadi goob ah madaxweyne muuse buuxi ayaa sadax cisho kahor kula kulmay aqalka madax tooyada ee hargeysa xizbiyada mucaaradka ucid iyo wadani kukala irdhooben arimaha doorashada sida ay xaqiijanaya qaar kamida ka qeyb galayaasha kulankas. Madaxweynahu waxa uu usheege in duulaan lagu soo qaadey Somaliland .

 

Xaalka laascaano waxa uu gaarsiiye inee kasoo duuleen waxa uu ugu yeeray beelo midoobay , argagixiso iyo damacyo is huban geeska Africa saameynaya, wuxuu usheegay in labada xizbi kamida masuuliyiinta Somaliland ay qayb kayihiin dhamaan talaabooyinka maamulkiisa lagu diidan yahay ee laascaano iyo sool ka aloosan. Taas oo loo fasiray in uu ula jeedo gudoomiya golaha wakiilada Somaliland cabdirisaaq khalif oo kusugan magaalda uu kasoo jeedo hadana ka aragti duwan muusa biixi eena isku fahmi waayen duqeymaha iyo dagaalka kasocda guud ahaan gobolka sool .

Xisbiyada mucaaradka waxa ay dirada saareen in doorashoyinka maamulka kaas oo sheegen in xal uyahay kala irdhowga  siyasadeed iyo colaadaha ee hada aloosan .  ayagoo kulanka inta uu socday kadigay  dhacdooyin kabadan kuwa laascaano gudaha beelaha kale ka qarxi karaan hadii aan la helin doorasho deg deg ah oo ah tan madaxtooda   . warkaan maqancin muuse biixi inkasto uu sheegey in dib isaga arki doonaan.

Saacada kadib kulankaas madaxweyne biixi ayaa qaabilay ururada is diiwaan galiye ee doonaya in doorasho xisbiyada laga soo hormariyo tan madax tooyadana gadaal loo riixo . waa halkan aaga madaxweynihu kubixiye macluumaad muhiim ah oo kusaabsan colaada sool .wadani iyo ucid uu kusifeeye kuwa doorashada madax martay .in dagaal lagu soo qaaday ayuu sheegey . sidoo kale saameynta dhinac yada kala duwan ee dagaalkan ee kuleeyihin kama qarin ururada ee siyaasada ee lajoogey. Doorka ismail omar geele dagaalka sool madaxweyne muuse waa uu kashifay . wuxuu kusifeeye walaalkood weyn oo garab iyo gaashaan u noqdey waqtiga adag. Isagoo cadeeye garab istaaag ciidan iyo mid dhaqaale ilaa haatan lagarab joogo isagoo amaan xoogan kala dul dhacay .

Xasan sheikh waxa uu sheegey in wada hadal layeesheen uuna kuwar galiye inee kaa aamusi doonaan xaalka sool sanaag iyo cayn oo ay hoos udhigi doonan una aqoon sanyihiin dhul somalilan ay maamusho hadiisa xaaladu dheeraato biixina u uku guul dareysto xalinta arintan ay muqdisho difaaci Karin damaca hargeysa oo ay wakiilada caalamiga ahi oo aysan kala tashan doonin dowlada fedralka .

 

Dhianaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa amray in la iibiyo ama labeeciyo guryaha shacabka ay dowladu leedahay waxa ay galka cadeynaya lahaanshaha dowladeed ayaa madaxweye biixi isagoo amar madax weyne uu kusaxiixay beec geyntooda . waziirka howlaha guud Somaliland musatafe godane ayaa loo xilsaaray in waqti kooban kukeeno ganacsato qaadato hantida laxarashayo.         Sidoo kale gudiga arimaha gudaha ee lamagacaabay bilowgii dagaalka ayaa qeyb ka ah iib geyntan.

Rugta baraha bulshada ee wazaarada howlaha guud ayaa maalin kahor lagu shaaciye, in dadka dagan guryaha dowlada ay isdiiwan galiyaan . qiinaha kiradana soo qaatan waraaqadaha cadeeynaya daganaan shahooda taas oo kadhigan mel marinta amarka muuse biixi .

Mudooyinkii ugu dambeeye madaxtooyada somalilad ayaa kuhowlan inee hesho dhaqaalo ay ku dabarto dagaalka sool . waxaaa horey utabinay in miisaaniyada somaliland loo wareejiye dhanka sool ee dagaalka loo qorsheeye oo lagu maamulo xasarada deegaanka ,

Ugu dambeyn dhamaan taalabooyinka uu qaadayo madaxeynaya Somaliland muuse biixi ayaa muujinaya heerka adag uu marayo dagaalka gobolka sool . gaar ahaan sida ay qorsheyse madax tooyada somalind ay kaduwanaate xaalka hada taagan . dagaalka todobaadkii labaad ayuu galay , ciidanku way ku guul dareysteen inee qabsadaan ama dhaq dhaqaaqyada oo dhan ay kajaraan , waxay kukoobnaate awoodooda in magaalada meel fog ay ka duqeeyaan , taasoo soo jiidatay canbaareyn calami ah

                                    DHAMAAD

kismayo24.com

1 Comments

Previous Post Next Post