Aroor nimadii saakay laascaano markale waxay kuwaa bariisatay diryan colaadeed iyo dhawaaqa rasaasta,
Ciidkanka SNM aroor nimadii saakay waxay isku dayde inee markale dib uqabsato goobihii laga qabsaday shalay waxaa rasaas kala hortagay ciidanki jamaahirta, Gurmadki SNM oo lafilaaye inee qabsadaa fariisimahoodi hore ayaa suura gal noqon weyde.
Kudhawaad 3saacadood markuu socdey dagaalka waxaa muuqatay in laga gacan sareeye ciidankii SNM oo halkaas ku gacan sareeyen ciidankii jamaahiirta , hub fara badan ayaa laga qabsaday ciidankii soo duulay rag fara badanna waa ku dhamaadeen.
Tukaraq
waxaa soo gaaray ciidanki xalay kasoo baxay Galkacayo iyo Qardho , ciidanki SNM sidee udhamaayen wee isaga soo baxeen deeganka tukaraq iyagoo soo aaday dhankaas iyo laascaano, Cidankii Tukaraq soo gaaray tiradooda waxaa lagu qiyaasa 3500 oo askari , wali ciidankii axmed karaash meey soo dhaqaaqin , ciidankii buhoodle iyagana Saacada kadib ayaa lafilayaa inee gaaraan Laascaano.
SNM markii laga itaal roonaade hub fara badanna laga furtay ayee qeylo dhaan udirsadeen beesha caalamka iyagoo markaasi eeda dusha kasaaraya Ciidanki jamaahirta , bayaan ay soo saaren wuxuu ahaa sidaan
WAR-SAAFADEED:
Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.
Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.
Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.
Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.
Ciidanka jamaahirta iyo kuwa harti oo is garabsanaya ayaa isku dhaarsaday burco kasoke in aan la istaagin
Guushu waa dhowdahay SNM waa jabeen GUUL SSC