LASCANO WENT TO SOMALILAND ON THE THIRD DAY OF WAR AND GENOCIDE

 




Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ka dib markii odayaasha beelaha deegaanka ay caddeeyeen inay xidhiidhka u jarayaan jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo ay dib ugu biirayaan Soomaaliya. Rabshado maalintii sadaxaad galay, odayaasha deegaanka ayaa Talaadadii sheegay in korontadii iyo biyihii magaalada laga jaray, xarun caafimaadna lagu weeraray madaafiic. Ciidamada Somaliland ayaa todobaadkan loo diray magaalada Laascaanood, kuwaasoo lagu qasbay inay ka baxaan horraantii bishii Janaayo ka dib markii ay ka dhaceen dibadbaxyo ka dhashay dilkii Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanka.


“Ciidanka Somaliland waxay weerarro culus ku qaadaan xarumaha caafimaadka iyo guryaha rayidka. Dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah lama tirin karo,” Mukhtaar Cabdi oo ka mid ah dadka ku nool Laascaanood ayaa u sheegay Reuters. Magaaladan ayaa waxaa ku muransan maamullada Somaliland iyo Puntland, balse odayaasha deegaanka ee ka soo jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku gacan seyray labadaas qodob, waxayna ku dhawaaqeen inay doonayaan inay dhistaan maamul cusub oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen ciidamada Somaliland inay isaga baxaan gobolka. .


 Somaliland ayaa ku eedaysay Puntland oo madaxdeedu ay xiriir qabiil la leeyihiin Laascaanood inay soo dirtay dagaalyahanno ku biiraya maleeshiyooyinka dagaalka kula jira ciidamada Somaliland. Puntland ayaa beenisay eedeymahaasi. Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii ku baaqay in la dejiyo, isaga oo Somaliland ka codsaday inay wada hadal la gasho Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Laascaanood. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa ka dhawaajiyey baaqiisa, iyagoo soo saaray bayaan ay ku muujinayaan "walaac xooggan" oo ku aaddan sii kororka waxayna ku baaqeen in la ilaaliyo rayidka iyo in aan la carqaladeynin gargaarka bani'aadamnimada. 


Somaliland, oo hore u ahaan jirtay maxmiyad British ah, ayaa ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991-kii ka dib dagaal sokeeye oo bahalnimo ah, waxaanay xuduudeeda la soo gashay meel wax ka yar 100 KM dhinaca Bari ka xigta Laascaanood. Intaa ka hor, Laascaanood waxay ka tirsanayd Puntland, oo ah maamul-goboleedkaas, balse weli ka tirsan Soomaaliya. Laascaano iyo dadka dagan gayigeeda danbe waxay ka tirsan yihiin beelaha Harti-Daarood loo yaqaan oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka taliya Puntland. 


Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa sanadkii 2007-dii la wareegtay maamulka Somaliland kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Puntland. Laakin dilal is daba joog ah oo aad loo hadal hayay ayaa sii huriyay saluug ka dhan ah joogitaanka Somaliland.


Dagaalka ka dhacay magaalada ayaa billowgii bishii December, kaasoo ka dhashay dilka Cabdi, kaasoo ay xukuumadda Somaliland ee Hargeysa ku eedaysay kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab. Wax caddayn ah lama bixin si loo xaqiijiyo sheegashada. Saraakiisha caafimaadka maxalliga ah ayaa tirooyinka khasaaraha dagaalladan billowga ah ku sheegay inta u dhaxaysa 15 iyo 20 dhimasho ah. Hargeysa ayaa ciidamadeeda kala baxday horaantii bishii January ee sanadkan, kadib markii ay cadaadis kala kulmeen beesha caalamka iyo shacabka magaalada. 


Inta badan waxa loo malaynayaa in uu yahay dhul qalalaase ka jira, Somaliland waxa ay si guul leh u xoojisay xasilloonideeda iyada oo ay taageerto reer galbeedka. Intii u dhaxaysay 2013 iyo 2020, UK waxa ay Hargeysa ku caawisay dhinaca ammaanka iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka ka hortagga argagixisanimada oo ay ku jiraan kaalmo dhaqaale iyo tababaro la siiyo Somaliland’s Rapid Reaction Unit (RRU). UK ayaa sidoo kale maalgalisay dhismaha akadeemiyada tababarka booliska sanadka 2019. 


Xildhibaanada Ingiriiska ayaa sidoo kale ku diirsaday Somaliland, iyagoo isku dayay inay qabanqaabiyaan dood ku saabsan aqoonsigeeda oo la hakiyay kadib markii Muqdisho ay diidmo ka muujisay. Wasiirkii hore ee Xukuumaddii Gavin Williamson, ayaa ka mid ahaa dadka sida aadka ah ugu ololeeya arrimaha Somaliland, waxaanu noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee Ingiriis ah oo booqasho ku yimaada dalka, markii uu ahaa Xoghayaha Difaaca. Maraykanku waxa kale oo uu danaynayey la shaqaynta Somaliland, isaga oo ujeedadiisu ahayd in uu xarun milatari ka sameeyo magaalada dekedda ah ee Berbera ee woqooyiga ah inkasta oo uu si rasmi ah u ilaalinayo siyaasadda Soomaaliya oo qudha.


kismayo24.com

Post a Comment

Previous Post Next Post