Maalinkii lixaad ayuu gabalka ugu dhacay laascaano diryanka madaafiicda oo ku hoobanaya.
waana
habeenka todobaad oo ubilaabanaysa magaalda oo gubanaysaWaxaana taas sawabtay
madaafiicda ka imaanaya dhanka SNM oo kasoo ridaya dulledka magaalada. Inkastoo
xalay Somaliland xilagaano kale ku dhawaaqdey xabad joojjin dhankeeda ah oo kashaqeyse
beesha caalamka hadana manoqo mid meel mar ah. Waxaana laxaqiijiye in manta uu
dhacay dagaalki ugu xumaa ee kadhaca magaalada maalmihii lasoo dhaafay .
Dhacdooyinka
ladiiwan galiye goobaha caafimaadka in
wali bartilmaamed uyihiiin madaa fiicda ay soo rideyso Somaliland ,qaar kamida
howl wadeenada caafimaadka ayaa geeriyoodey , guryaha isimada ayaana lagu
garaacaya madaaficda taaso maalimihii hore aan horey ujirin, waana mid
muujineyso dar darta ay madaaficdu qaadanayaan.
Dadka deegaanka
waxa ay sheegen in weerar lagu soo qaday oo Somaliland ay meel mar aysan
kadhigin xabad joojintii ay ku dhaawaqeen , isimada dhaqanka udhashay sool
sanaag iyo cayn ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin nabad iyo beesha caalamka ay
soo dhaweynayaan dadaalka ay wado iyo gudi xaqiiqo raadin ah oo ay usoo dirto
xaalka laascaanood .
Somaliland oo manta kaliya afar jeer war saxaaafadeed iyo hada kala duwan soo saartey waxa ayna sheegen in wali ay utaagan yihiin sidi meel mar looga dhigi lahaa xabad joojinta ay xalay kudhawaaqeen , waxa ay sheegen in kooxaha kasoo horjeeeda ay nabada bur buriyeen oo ay ka hor yimaaden xabad joojinta iyo ciidankooda oo is difaac kujiro .
Markale Somaliland
waxa ay warkooda cusub kusoo dareen in tuka raq uu dhaq dhaaq ciidan kasocdo oo
ay dowlada fedaralka iyo Puntland ay ciidamo kusoo daab gureynayaan , waxa ayna
sheegte in taasi tahay mid khatar ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka oo xaalada ay ugu sii dareeyso .
Dhinaca hargeysa kulan wada ji ah oo ey yeesheen xizbiyada siyasada Somaliland waxa ay isku raacen in si wada jir ah loo wajaho xaalada qaran ee deegananadooda , waxa ayna sheegen in xaalada laascaano nabad lagu soo dabaalo oo laga shaqeeyo.
Dhamaan arimaha
laascaano wali waxa ay umuuqdaanin dagaalka uu sii soconayo, Somaliland waxa ay
billowed dhaq dhaqaaq horleh oo hub ku geeyneyso dhamaan furimaha dagaal ee
duleedka laascaanod, dadka deegaanka waxa ay sheegyaan inee isdifaacayaan oo ka
hortagayaan doonista Somaliland .
Marka la
eego xaalada ay kusii socoto masahlana in dagaalka si fudud ku istaago ,
saasaanta muuqatana mamuujineyso hishiis rasmiya oo dhinacyada is qaadashada uu
dhex mari doono , balse maalmaha soosocda xaalda aya lagu darsayaa in ay noqon
karto mid kasii halis badan ay wakhtigaan tahay .
Kasakoow in
odeyaasha dhaqanku ay sheegaan diyaar uyihiin gudi xaiiqo raadin ah iyo nabad ,
hadana waaqaca siyaasadeed iyo kan amni magaalada ka abuuran wax uu mujinaya in
ay kafogyihiin dhamaan dhinacyadu arimaha ay sheegayaan ,Somalilan ciidankeeda
oo dhan aye isugu geyse duleedka magaalada , manta waxa dhacay weeraradii ugu
cuslaa ay ku dooneyse in magaalada ay ku
qabsato inkasto taasi ay suura galin hadana duqeymaha ayaa si kabadan sidii
hore usocdey,
Fiidnimada
caawa waxaa laga diwwan galiye in kabadan 10 madfac oo ku dhacay xaafada kala
duwan oo dad rayida leeyihiin , qaarkood
dab kadhashay ayaa sameeye goobaha gancsiiyo bartamaha magaalada laascaanod ,
wakiilada caalamiga ah waxa ay wali muujinayaan in ay kaxun yihiin dhamaan
dhacdooyinka kadhacaya laascaanood ee
lagu beegsanayo dadka rayidka ah .
Culimada diinta
ayaa si iskumida u cambaareeye ficilada Dagaal ee laascaanod hayeeshee wali dhaman
baaqyadaas oo dhan ma keenin mana abuurin dagaalka inee joojiyaan dirirtana waxaa lasaadalinaya in jawigeda uu
isbadali karo hadiii ay kusii socoto duqeymaha xooga leh ee magaalda kasocda
iyo saasanta dhinacyada
DHAMAAD
kismayo24.com