"Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay."
Isagoo qormadiisa sii wata wuxuu yiri
"Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo."
Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas.
Arinkaan ayaa noqdey lama filaan kasoo yeera dowlada puntland iyadoo loo arkaye in aynan raali ka ahayn waxa kasocda SSC , puntland tan iyo markii laga saaray gacantooda gobolka sool waxay sheeganayeen in SSC ay tahay Gobol katirsan mamulka puntland lkn si khasab ah looga saaray .
Ugu dambeyn hadalkaan kasoo yeerey madaxweyne kuxigeenka dowlada puntland maku waafaqi doonan madxweynaha iyo baarlamaanka puntland?.